Allbanaadir.com
NEWS

Khayre oo Booqday Dekadda Dooraale iyo xarunta isgaarsiinta Jabuuti (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan joogay Jabuuti ayaa booqday xarunta isgaarsiinta dalkaas iyo Dekadda Dooraale.

Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta Jabuuti, Mudane Cabdi Youssouf Sougueh iyo masuuliyiin kale ayaa wafdiga Ra’iisul Wasaare Khayre geeyay xarunta Isgaarsiinta iyo Dekadda Dooraale waxa uuna Ra’iisul Wasaare Khayre ku bogaadiyay reer Jabuuti iskutashiga ballaaran ee ay sameeyeen, isaga oo ka codsaday in walaalahooda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan arrimaha Dekaddaha iyo Isgaarsiinta.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ammaanay horumarka ballaaran ee Dowladda Jabuuti ka samaysay dhinaca horumarinta adeegyada la xiriira xargaha Fiber optic-ga waxa uuna boosta ka xariiqay in Soomaaliya ay wax badan ka faa’iideysan doonto khibradda dawladda Jabuuti

Wasiirka arimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale ayaa kamid ah wafdiga Ra’iisul wasaare Khayre ee maalmahaan ku sugnaa Jabuuti.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa intii uu kusugnaa Jabuuti waxa uu la kulmay madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalkaasi oo ay ka wada hadleen arima badan oo khuseeyaa labada dal iyo guud ahaan gobalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaashi Cumar oo 19-Sanno u xirnaa Talyaaniga oo maanta lagu dilay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo aqoonsaday doorashada Madaxweyne Qoor-qoor (Akhriso)

Caydiid Ali

Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay Go’aano adag oo ka dhan ah Mooto Bajaajta (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---