Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: R/W Rooble iyo Xasan Sheekh oo arimo muhiim ah kawada hadlay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoona ugu hambalyeeyay munaasabada ciida.
 
Rooble iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa salaan iyo isku marxabeyn kadib ka wada hadlay amniga guud , xasilloonida caasimadda iyo Arrimaha Doorashooyinka Dalka.
 
Waxa ayna labada masuul sidoo kale kawada hadleen shirka la filayo in 20-ka bishan ka furmo magaalada Muqdisho kaa oo looga arinsanayo doorashada dalka iyo sidii loo hirgalin lahaa doorasho loo wada dhan yahay.
 
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaana tan iyo markii lagu wareejiyay socodsiinta howlaha doorashooyinka kulamo kala duwan la qaatay madaxdii hore ee dalka iyo qaar kamid ah musharaxiinta mucaaradka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo la wareegay Kaalintii Rooble kaga aadaneyd Dagaalka Guriceel !!

Cabdi Cade

(Akhriso) Taariikh nololeedka Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maxkamada sare ee dalka

Caydiid Ali

Goobta & xiliga ay furmayaan wadahadalka dowlada Itoobiya & kooxda TPLF oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---