Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Muuse Biixi oo Salaadda Ciidul-fidriga kala qayb galay shacabka Hargeysa (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada Salaadda Ciidul-fidriga.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno ka mid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada iyo maamulka gobolka Maroodi-jeex, ayaa Boqolaal kamid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kula tukay Masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa.

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu duceeyey bulshada reer Somaliland in Ilaahay ka aqbalo, cibaadadii iyo wanaaggii ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan, Quluubtooda mideeyo, islaamnimadana u quweeyo, waxana uu yidhi,“Ilaahay ha inaga yeello ummad Islaam ah oo qalbiga ka heshiis ah oo Diintooda Aaminsan  oo dhan u wada jeedda.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shacabka ugu baaqay inay isku duubnaadaan, isku tashadaan, hoosna u eegaan kuwooda itaalka daran, kana maarmaan gacmo shisheeye, kana dheeraadaan wax kasta tafaraaruq ku keenaya midnimada bulshada oo ay qabyaaladdu kow ka tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhulgariir weyn oo laga cabsi qabo inuu ka dhaco Istanbul iyo digniin laga soo saaray

Caydiid Ali

Maxaa caawa ka socda Magaalada Boosaaso oo ay xiisad dagaal ka jirtay?

Caydiid Ali

Gabar Soomaaliyeed oo si arxan daro ah loogu dilay magaalada Nairobi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---