Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cagjar & Shacabka Jigjiga oo hal goob ku wada tukaday Salaada ciidul Fitriga (Sawirro)

Salaadda Ciidul Fitriga ayaa si weyn loogu tukaday garoonka Kubadda cagta ee magaalada Jig-jiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida kaddib muddo bil ah oo ay soomanaayeen muslimiintu.

Kumannaan muslimiin ah ayaa soo buux-dhaafiyey aroor horre barxadda garoonka iyo nawaaxigeeda si ay u gutaan salaadda sunnaha ah ee maalinta farxadda ciidda.

Sannadkii kan ka horreeyey ayaan fagaarahan oo kale lagu tukan, cabsi laga qabay caabuqa Covid-19 oo dunida faro ba’an ku hayey, iyadoo wali cabsidii ay jirto haddana taxaddarka la samaynayey ayaa aad loo xoojiyey.

Shaqsi aan wadan afxirka looma ogalayn in uu gabi’ahaanba soo galo goobta, si la isku waafajiyo gudashada farxadda ciidda iyo ka-hortagga laga samaynayo cudurkan.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalidda, Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo bulshada kala soo qeyb-galay munaasibaddan ayaa u duceeyey muslimiinta Falastiin lagu dhibaataynayo.

“Ciiddan ciid wanaagsan oo nabadeed, raxmadeedana wadata allaha inooga dhigo” ayuu yiri Cagjar oo sidoo kale u duceeyay ciidanka xoogga gaarka ah ee Deegaanka Soomaalida oo maalin iyo habeenba u taagan sugidda amniga iyo xasilloonida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Caawa magacaabay Wasiiro cusub oo kamid noqonaya maamulkiisa

Cabdi Cade

Baadi goob adag oo mudo dheer loogu jiro Maqaamka magaalada Muqdisho !!

Cabdi Cade

Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo koox Ciyaartoy ah oo ku le’atay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---