Xaalado kala duwan ayaa ka dhashay Roobabkii xiliga Xagaaga oo sanad walba bilowda bisha Juun kuwaasoo xalay gelinkii dambe illaa maanta ka da’aya magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
Roobabkan oo si goos goos ah u socda ayaa saameyn ku yeeshay socodkii dadka iyo gaadiidka ee magaalada, iyadoo saaka dadka qaar badan aysan ka soo bixin guryahooda inkastoo ay Jimce tahay, wadooyinka qaarna biyo ayaa fariistay.
Roobabkan ayaa waxaa ku diirsaday shacabka Muqdisho iyo nawaaxigeeda oo dareemaya jawi macaan, iyadoo sida la wada og yahay lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo hadda mareysa heer gebogebo ah, lamana soo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay roobabkan sida goos gooska ah uga socda magaalada illaa saaka waaberigii.
Dhinaca kale, roobabkaasi oo dadka qaar ay ku diirsadeena ayaa dhinaca kale saameyn ku yeesheen qoysas boqolaal gaaraya oo ka soo barakacay gobolada dalka qaarkood.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com