Ra’isal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa shaqada ka fariisiyey oo bedelay madaxdii ugu sarraysay ciidanka iyo nabad sugidda iyo milateriga dalkaas.
Jeneral Samora Yunis oo ahaa taliyaha milateriga ayaa Ra’isal Wasaaraha Itoobiya uu xilka ka qaaday waxaana lagu bedelay Jeneraal Seare Mokonen oo noqon doona taliyaha cusub ee ciidamada.
Taliyihii ciidanka Cirka, Jeneraal Adem Mohamed, ayaa isna loo magacaabay inuu noqdo taliyaha cusub ee nabad sugidda waxaana uu bedelayaa Getachew Asefa oo xilkaas hayey 17 sano.
Nin la taliye sare u ah ra’isal wasaaraha cusub, Abiy Ahmed, ayaa ku tilmaamay taliyaha xilka laga qaaday shakhsiyaddii ugu muhiimsanayd milatariga Itoobiya.
Talaabadan waxa la qaaday dhawr bilood ka hor xiliga uu shaqada ka fadhiisan lahaa Jeneraal Samora. Wuxuana ka mid ahaa ragii u soo dagaalamay falaagadii xukunka ka tuurtay Mengistu Haile Mariam 1991 ee Meles Zenawi awoodda u dhiibtay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com