Shirkadda dayuuradaha Kenya Airways ayaa sheegtay in weli uu hakad ku jiro qorshe ay ku billaabeyso duulimaadyo isaga kala goosha magaalooyinka Nairobi iyo hargeysa
“Kenya Airways waxay dooneysaa inay caddeyso in qorshaha lagu billaabayo duulimaadyada Hargeysa, Somaliland ay iminka hakad ku jiraan, ayada oo la sugayo ogolaansho iyo ansixin loo baahan yahay,” ayaa lagu yiri qoraal ay shirkadda soo saartay oo sidoo kale lagu beeniyay warar shalay soo baxay oo la xiriira iney dabayaaqada bishan bilaabeyso duulimaadyo joogto ah oo ay ku tagayso Hargeysa
“Ma jiraan wax duulimaadyo ah oo iminka shaqeynaya oo aan leenahay, si ka duwan wararka la wareejinayo baraha bulshada” ayaa lagu yiri qoraalka.
Qaar ka mid ah baraha bulshada ayaa waxaa shalay ku baahiyey qoraal loo tiriyey shirkadda oo lagu sheegay inay duulimaadyada Hargeysa billaabeyso daba-yaaqada bishan May.
Hay’adda duulista hawada Kenya ayaa shalay hakisay dhammaan duulimaadyadii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya, laga bilaabo shalay oo Talaado aheyd, marka laga reebo diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com