Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Kambala kula kulmay dhigiisa Ndayishimiye (Sawirro)

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo kulan gaar ah ku yeeshay caasimadda Kambaala ee dalka Uganda

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda sida lagu sheegay qoraal kooban oo ay soo saartay Villa Somalia

Burundi ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee ciidamada ugu badan ku taageeray howlgalka AMISOM ee Somalia.

Farmaajo iyo Évariste Ndayishimiye ayaa ka mid ah madaxda dalal Afrikaan ah oo ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweyne Musaveni oo dhowaan markii 5aad dib loo doortay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax bur buriyay guryo kuyaala xaafad kartirsan magaalada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo la kulmay guddigii maamulay doorashadii looga adkaaday

Cabdi Cade

SSC oo dagaalka ku qabsatay goob istaraatiiji ah & ciidanka Somaliland oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---