Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Shan nin oo lagu helay in ay katirsan yihiin Al Shabaab oo lagu riday Xukun dil ah

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Goboldda Cayn iyo Mudug ee Maamulka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday shan nin oo lagu helay in ay katirsan yihiin kooxda Al Shabaab dilal kala duwana ka fuliyeen Waqooyiga Gaalkacyo.

Shantan nin ee maanta xukunka dilka ah ku riday Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay maxkamadeyntooda ka socotay magaalada Gaalkacyo, waxaana xubnahan lagu soo qabtay howlgalo kala duwan.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Goboldda Cayn iyo Mudug ayaa ku heshay dembi ah 5-ta ruux inay Al-shabaab u qaabilsanaayeen fulinta qaraxyada iyo dilal qorsheysan ee ka dhacayay Gaalkacyo  13-kii sano ee lasoo dhaafay.

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Goboldda Cayn iyo Mudug ayaa sidoo kale xabsiga kasii deysay lix nin oo lagu waayay wax dambi ah kuwaa oo markii hore loo soo xiray in ay katirsan yihiin Al Shabaab.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhacay dilal badan oo qorsheesan iyo qaraxyo noloshooda ku waayeen masuuliyiin, saraakiil iyo dad shacab ah, waxaana dilalkaasi la sheegay in ay fulinayeen shabakad isku xiran oo halkaasi ka howlgaleysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kooxda K/Cagta Chelsea oo shaacisay go’aan ay soo dhoweeyeen Muslimiinta UK

Caydiid Ali

Ciidamada Amaanka oo soo afjaray Weerarkii lagu qaaday xarunta Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga

Cabdi Cade

Prof. Dalxa oo sheegay in la dulmiyey, loona diiday tartanka kursigiisa Xildhibaanimo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---