Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in fadqallo ka dhax wado ciidamada kana shaqeenayo danihiisa gaarka ah.
Waxa uu sidoo kale sheegay Musharaxa in Farmaajo oo markii hore Midowga Afrika ka dalbaday in ergay dhax dhaxaadin ah usoo magacaabaan Soomaaliya, waxa uuna xusay in Farmaajo markii danihiisa ka waayay ergayga la magacaabay hadana dalbaday in la bedelo.
”Farmaajo isaga ayaa dalbaday in Midowga Afrika arrimaha Soomaaliya soo dhexgalo, haatanna isaga ayaa diidaya markii uu dantiisa ka arki waayey. Farmaajo weli ciidanka fadqalallo ayuu ka dhex wadaa. Danaha shacabka Soomaaliyeed ayuu u afduubay dan ganacsi oo ay walaalkiis iyo saaxibbadiisu leeyihiin.” ayuu yiri C C Warsame.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo aan marnaba laga yaabin in uu fursad u siiyo Raysalwasaare Rooble in uu muujiyo hufnaan uu saamileyda siyaasadda ugu dhexeeyo iyo madax bannaani uu go’aannadiisa ku qaato.
”Haddaba Raysalwasaare Rooble waxaa looga fadhiyaa in uu qaado tallaabooyin xoojinaya filashada laga qabo ee ah in uu Farmaajo fariinka u qabto, xeeriyana danta shacbaka Soomaaliyeed, muujiyana in uu ka madax bannaan yahay saameynta taban ee Farmaajo iyo kooxdiisa.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Hadalka kasoo yeeray Musharaxan Madaxweyne ayaa kusoo aadaya xili dowlada Soomaaliya ka dalbatay Midowga Afrika in la bedelo Madaxweynihii hore ee Gana oo loo soo magacaabay ergayga gaar ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com