Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Midowga Afrika oo War kasoo saaray Weerarka Isra’il ku qaaday Masjidka Al Aqsa

Waxaa sii kordhaya wadamada iyo Ururuda cambaareenaya weerarka gardarada ah ee maamulka Israa’il ku hayo shacabka reer Falastiin, waxaana sii kordhaya khasaaraha ka dhalanaya weerarada israa’il ka wado Gaza .

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa si kulu u cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ka fulisay marinka Qaza iyo ‘weerarka ay ciidamada  Israa’iil ku qaadeen Masjidka Barakeesan ee  Al Aqsa.

Waxa uu sheegay Muusa Faki Mahamat  in howlagallada ciidamada maamulka Israa’iil iyo in dadka Falastiiniyiinta si qasab ah looga raro guryahooda ay kasoo horjeeddo xeerarka caalamiga ayna tahay xadgudub cad.

“Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa cambaareynayaa duqeymaha laga geystay marinka Qaza oo ay ku dhinteen in ka badan 21 qof oo Falastiini ah iyo weerarka ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen dadkii ku cibaadeysanayay masaajidka Al Aqsa oo ay ku dhaawacmeen dad gaarayo 300 xilliga bisha Ramadaan” ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay Midowga Afrika.

Xiisada u dhaxeesa Kooxda Xamaas iyo ciidamada maamulka Isra’il ayaa sii xoogeesanaya , waxaana ciidamada Isra’il duqeymaha ay fulinayaan ku geeriyooday in ka badan 30-qof shacab Falastiiniyiin ah ay ku jiraan caruur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax ay diyaarisay Al-Shabaab oo la fashiliyey

Caydiid Ali

Madaxtooyada Puntland oo ka hadashay Warqad lagu faafiyay Baraha Bulshada

Cabdi Cade

Daroogo fara badan oo si yaab leh loogu soo qariyey Markab la qabtay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---