Xiddiga reer Masar iyo kooxda Liverpool Mohamed Salah ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii ciidamada Yahuuda Israa’il ku qaadeen masjidka Barakeesan ee Al Aqsaa iyo dilka ay u geesteen shacabka aan waxbo galabsan ee Reer Falastiin.

Mohamed Salah ayaa ka dalbaday madaxda dunida gaar ahaan Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson in ay ka shaqeeyaan sidii deg deg loogu joojin lahaa dilka iyo gumaadka lagu hayo shacabka aan dembiga gelin ee Falastiin.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay in aan loosii dul-qaadan karin ficillada ay samaynayaan ciidamada Yuhuuddu, isla markaana ay intii hore ku filan tahay oo la gaadhay halkii u dambaysay.

Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ayuu si gaar ah ula hadlay waxaanu tilmaamay in uu sameeyo wax walba oo awooddiisa ah, si loo xaqiijiyo in la joojiyo shacabka Falastiin ee sida gardarada ah loo laynayo.

“Waxa aan ugu baaqayaa madaxda adduunyada oo uu ku jiro Ra’iisal Wasaaraha waddanka hoyga ii ahaa afartii sannadood ee tegay, in wax walba oo awooddooda ah ay u sameeyaan sidii loo xaqiijin lahaa, in si degdeg ah loo joojiyo dhibaatada iyo dilka shacabka aan waxba galabsan. Intaasi nagu filan.” ayuu yiri Mohamed Salah.

Ciidamada Israa’il ayaa duqeyn iyo rasaas toos ah ku dilay dad ka badan 30-qof oo Falastiiniyiin shacab ah ay ku jiraan caruur yar yar, waxaana weerarkan si kulul u cambaareeyay dowlado iyo shaqsiyaad caan ah.