Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Tel aviv oo caawa gubaneysa “Xamaas oo 130 gantaal ku garaacday”

Kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ayaa caawa 130 gantaal ku weerartay Magaalada Tel-Aviv caasimada Yuhuuda.

Talaabadan ayey Xamaas sheegtay iney jawaab u aheyd duqeyn maanta ciidamada Yuhuudu ka fuliyeen magaalada Gaza taasoo lagu burburiyey dhismayaal ku yaalla magaaladaas oo ay degan yihiin shacabka Falastiin

Duqeynta Gaza ayaa waxaa ku dhintay 28 qof oo ay ku jiraan 10 caruur ah halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo gantaalaha lagu weeraray  Tel-aviv ay ku dhimatay 2 haween Yuhuud ah, halka 70 kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Bartamaha Tel aviv ayaa waxaa lagu arkayey gaadiid wadooyinka ku gubanaya & dhismeyaal ay burbur u geysteen gantaalaha macmalka ah ee Xamaas

Hannaanka daafaca gantaalaha cirka Israel ee Iron Dome ayaa lagu soo warramayaa inay ku adkaatay inuu wada qabto gantaalihii ay ku soo rideen reer Falastiin.

Afhayeenka Ciidanka Israel, Jonathan Conricus ayaa ku faanay in dayuuradaha Israel ay ilaa 130 duqayn u gaysteen Marinka Gaza, iyagoo ku doodaya inay dileen 15 sarkaal oo ka tirsan Islamic Jihaad.

RW Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Xamaas ay ka gudubtey wax uu ku sheegay khadka cas markii ay beegsatay Quddus, isagoo ku gooddiyey in Yuhuuddu ay xoog ku jawaabi doonto.

Xiisada labada dhinac ayaa weli kacsan, waxaana socda weeraro ay isku qaadayaan oo khasaarooyin geysanaya, dalalka maraykanka iyo Yurub ayaa ka aamusan waxa socda dhulka reer Falastiin halka wadada carabta hiilkoodu uu ku soo koobmay cambaareyn.

SAWIRADA HOOSE: BARTAMAHA TEL AVIV

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia iyo Qaramada Midoobay oo wada saxiixday Heshiis Iskaashi cusub

Cabdi Cade

Maxaa laga helay baaritaankii heyadda FBI ku sameysay hoyga Madaxweyne Biden?

Caydiid Ali

Ibraahim Dheere: Siyaasi samir badan oo aan ka quusan hamigiisa Siyaasadeed

Caydiid Ali