Dowlada Somalia ayaa shaacisay iney beri ay tahay 30ka bisha Ramadaan ka dib markii la waayey bisha Shawaal oo la filayey iney caawa bilato.
Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS Sheekh Cumar Cali Rooble oo dadka kala hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ku dhawaaqay in baaritaan dheer ka dib la waayay cid aragtay bisha isla markaana bari aysan ahayn Ciid.
“Xiriiro aan la sameynay gobolada iyo degmooyinka ayaa ku ogaanay ineysan jirin cid illaa hadda aragtay bisha Shawaal sidaas awgeed DF waxay shacabka Soomaaliyeed ku wargelineysaa iney beri tahay 30ka Ramadaan, ciidana ay tahay maalinta xigta ee Khamiista ah” ayuu yiri wasiirka.
Qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka oo ay ka mid tahay Puntland ayaa sido kale lagu sheegay in caawa la waayey bishii Shawaal berina ay tahay 30ka Ramadaan.
Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta qeybo ka mid ah Somalia ayaa soo saartay hadal ka duwan kan DF, iyagoo xusay in bisha Shawaal laga arkay degaano ka tirsan gobolada Gedo, Bay, Bakool iyo meelo kale, sidaas awgeedna ay beri laga ciidayo degaanada ay kooxdaas Maamusho.
Dalalka Islaamka guud ahaan oo ay ku jirto Sacuudiga ayaa isku raacay in beri ay tahay 30-ka Shacbaan, ciidana ay tahay Khamiista ka dib markii sida ay sheegeen la waayey bishii Shawaal ee caawa la filayey.