Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladihii ugu horeeyey Islaamka oo go’aan ka gaaray Maalinta Ciidul fitriga

Dalalkii ugu horeeyay Islaamka ayaa shaaciyey Ciidul Fitriga iyo xilliga ay ku beegan tahay, iyadoo maanta ay inta badan dalalka Islaamka u ahayd 29-ka Ramadaan, berina la filayo iney ciid noqoto.

Indonesia oo ah dalka ugu Muslimiinta badan caalamka ayaa goor dhow shaaciyey in Ciidul fitriga ay ku beegan tahay Khamiista 13-ka May, ayna Berri oo Arbaco soomi doonaan 30-ka Bisha ramadaan, iyagoo taas sabab uga dhigay in la arki waayey bisha shawaal.

Dhinaca kale, Golayaasha Muslimiinta dalalka Australia Singapore iyo Filipiin ayaa shaaciyey in ciidul Fitriga sanadkan loo dabaaldegi doono Khamiista 13-ka May 2021, markii la arki waayey bisha Shawaal iyadoo dhamaan dalalkan ay habeen u noqotay saacado ka hor.

Waxaa saacadaha soo socda la sugayaa dalalka waaweyn ee Islaamka sida Sacuudiga iyo dalalka Khaliijka oo maanta laga raadinayo Bisha Shawaal

Hay’adda caalamiga ah ee Xiddigiska Hawada ayaa shaacisay inaan caawa la arki karin bisha Shawaal, sababo ay ku sheegeen in dayaxu dhacayo qoraxda ka hor aysana suuragal aheyn in la arko bisha Shawaal iftiinka qoraxda awgeed, waxayna sheegeen in maalinta khamiista ay tahay Ciida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Fagaare lagu arkay xilli cadaadis saaran yahay (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo ku laabtay Dhuusamareeb, wax yar ka dib markii uu.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Prof. Saciid Ciise: “Somalia waxaa ka soo socda isbedel siyaasadeed oo mug leh”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---