Markab kamid ah kuwa ilaaliya badaha oo leedahay dowlada Mareykanka ayaa madaafiic badan oo digniin iyo cabsi galin ah ku riday dooman nuuca dheereeya ah ay leeyihiin ilaalada kacaanka Iran.
Wasaarada Difaaca Mareykanka ee loo yaqaan Pentagon ayaa sheegtay in 13 doon oo nuuca dheereeya ah ay leeyihiin ciidamada Kacaanka Iran in aad ugu soo dhawaadeen Markab dagaal oo Mareykanka leeyahay oo marayay marinka Hormuuz.
Warka kasoo baxay Pentagon ayaa lagu sheegay in doomaha kacaanka Iran leeyihiin Markabka dagaalka Mareykanka usoo jirsadeen ilaa 140 mitir, Pentagon ayaana shaacisay in markabka doomankaasi ku riday 30 gantaal oo digniin ah.
Afhayeenka Pentagon John Kirby ayaa ku eedeeyay doomaha ciidamada kacaanka Iran iney daandaansi kula kaceen maraakiibtooda dagaalka ee marinka Hormouz marayey, waxa uuna digniin u diray dowlada Iran.
“Waa amni darro, waa mid xirfadda ka baxsan. Ficillada noocan ah dadka kale halis ayey u horseedi karaan, waxayna keeni kartaa xisaab si xun la isugu darsado oo gobolka dhibaato u horseedda taasoon cidna dan u ahayn.” ayuu yiri afhayeenka.
Dowladaha Mareykanka iyo Iran ayaa waxaa ka dhaceeya khilaaf xoogan, waxaana marar badan dareen cabsi laga muujiyay in labada dal isku dhacaan, Iran ayaana saameyn ku leh marinka muhiimka ah u Maraakiibta ee Hormuuz.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com