Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo Safar dibada ah u ambo baxaya iyo ujeedka Socdaalkiisa oo la ogaaday

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in beri oo talaado ah u ambo baxo magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

Farmaajo ayaaan ujeedka safarka uu ku tagayo magaalada Kampala lagu sheegay ka qeyb galka caleemo saarka Madaxweynaha mar kale dib loo doortay ee dalkaasi Uganda Yoweri Kaguta Museven.

Afhayeenka Madaxtooyadda Uganda Lindah Nabusayi, ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Farmaajo kamid yahay hogaamiyaasha lagu casuumay ka qeyb galka xaflada caleemo saarka ee Kampala ka dhaceysa lana filayo in talaadada Kampala yimaado.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin safarkan la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku tagayo dalka Uganda, waxaana warkan kaliya laga soo xigtay madaxtooyada Uganda oo soo bandhigtay hogaamiyaasha lagu casuumay munaasabada caleemo saarka.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa markii lixaad oo xiriir ah uu ku guuleystay Madaxtinimada dalka Uganda kadib doorashadii dhawaan dhacday, waxa uuna Yoweri talada dalkaasi hayay mudo 35-sano ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Farmaajo waxaa isaga qaldan Madaxbanaani dal iyo Mid shaqsiyadeed”

Caydiid Ali

Ruushka oo duqeyn lagu hoobtay ka geystay Magaalo ka fog furumaha dagaalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Koonfur Galbeed oo kahor timid Jadwalka Dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal

Cabdi Cade
Taboola Ads ---