Ghana ayaa sheegaysa iney kala eriday dhamaan howlihii kubada cagta ee dalkaasi ka dib markii ay soo baxeen fadeexado la xiriira nidaamka kubada cagta ee dalkaasi gaar ahaan lacago laaluush ah oo la sheegay inay qaateen madaxda xiriirada kubada cagta.
Warkan ayaa waxaa lagu sheegay baaritaan qarsoon oo uu sameeyey weriye lagu magacaabo Anas Aremeyaw Anas.
Dowladda ayaa sheegaysa inay gudi ku meelgaar ah u saarayso inay maamulaan howlaha kubada cagta ee dalka.
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dalkaasi Isaac Asiamah ayaa laga soo xigtay isagoo sheegaya in lakala diray kubada cagta ee dalkaasi si ku meelgaar ah.
Tani ayaa micnaheedu noqonaysaa in tilaabadani ay saamaynayso tartanada gudaha ee kubada cagta ee hada socda iyo waliba kooxda qaranka ee dalkaasi.
Wasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in booliska ay baarayaan saraakiisha lagu eedeeyey musuqmaasuqa.
Amuurtani ayaa waxay sharafdaro ku tahay anshaxa ciyaaraha ee xiriirka kubada cagta ee dunida, dowladuna waxay la xiriiraysaa xiriirka kubada cagta ee Afrika iyo xiriirka FIFA ee dunida.
Baarlamaanka dalkaasi Ghana ayaa sidoo kale arimaha musuqmaasuqani u saaraya gudi soo baara.
Tiro saraakiisha ciyaaraha ah ayaa laga duubay iyagoo qaadanaya lacago laaluush ah waxaana laga sameeyey decumentari ay la cajabeen dad badan oo Ghana ku nool.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com