Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo: “Saraakiishii & dadkii kale ee caawa argagaxisadu naga leysay waa Shuhado”

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanya leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen saraakiishii, saraakiil xigeenkii, askartii iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo wadajir, si looga guuleysto cadawga arxan laawayaasha ah ee caadeystay gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska Degmada Waaberi Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane, Saraakiisha iyo Askarta kale ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u shahiiday iyagoo ka shaqeynaya Amniga dalkooda iyo dadkooda. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Amniga waxaan ugu baaqayaa in si wadajir ah ay isaga kaashadaan ka hortagga dhagarta arxan-darrada ah ee argagixisada.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey -iyada oo lagu jiro habeen khayar badan oo ka mid ah tobankii danbe ee bisha barakaysan ee Ramadaan- saraakiishii, askartii iyo shacabkii Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxan bahalnimada ah in uu hooygooda ka yeello Jannatul Firdowsa, Saraakiisha kale iyo shacabka ay waxyeeladu ka soo gaartayna Eebbe u booga dhayo.

-Dhammaad-

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la Dardaarmay Ergay Maxamed Cabdi Waare (Sawirro)

Cabdi Cade

Wufuud ka kala socota dowlada iyo Mucaaradka oo maanta ku wajahan Garoowe

Caydiid Ali

Ciidanka NISA oo dilay xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---