Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii saldhiga Waaberi & taliye kale oo dhaawac u geeriyooday

Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee caawa lagu weeraray saldhiga Booliska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ee beegsaday saldhiga Waaberi oo ku yaalla wadada Maka Al Mukarama.

Allaha u naxariisto Gaashaanle Cabdi Baasid Maxamud Cagey oo kamid ahaa saraakiishii ku dhaawacmay Qaraxan ayaa u geeriyooday dhaawacii soo gaaray

Gaashaanle dhexe Cabdi Baasid ayaa ahaa ku xigeenka Taliyaha Qeybta Waliyow Cadde ee Booliska Gobalka Banaadir.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka argagixiso ee caawa lagu qaaday Saldhigga Booliska Dagmada Waaberi oo sidoo kale horey loo shaaciyey iney ugu geeriyoodeen taliyihii saldhiga Waaberi iyo dad kale oo badan.

Laamaha amaanka DF ayaan weli wax war ah ka soo saarin qaraxan oo noqonaya kii ugu ugu horeeyey noociisa ah ee ka dhaca Muqdisho tan iyo markii la guda galay bisha Ramadaan oo haatan geer gebogebo ah.

Marxuum Gaashaanle Cabdi Baasid Maxamud Cagey

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamaanka oo yeelanaya kulan Xasaasi ah iyo xogta arrimaha looga hadlayo kulanka

Cabdi Cade

Sanad-guuradii ka soo wareegtay qaraxii xarunta Gobolka Banaadir oo maanta la xusayo

Caydiid Ali

Akhriso : Qodobbada Mugdiga badan Ku Jiro ee Sharciga Doorashada Qaranka !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---