Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa beeniyey warar saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyey baraha bushada o sheegayey in Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya kulan ku yeelanayaan dhowaan magalada Doxa ee dalka Qatar.
Dubbe ayaa intaas ku daray in laga shaqeynayo hagaajinta xiriirka Somalia iyo Kenya oo dhowaan dib loo soo celiyey balse aysan waxba ka jirin wararka sheegaya kulanka labada Madaxweyne.
“Cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo hore u xumaaday waxa hadda laga shaqaynayaa sidii loo wanaajin lahaa, waan u mahad-celinaynaa wadamada ka shaqeeyey isu soo dhowaan tan, laakiin xilligan waxba kama jiraan wararka la faafinayo ee sheegaya in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay hadda kulmayaan kuna kulmayaan Doha/Qatar.
Wasiirka ayaa sidoo kale been abuur ku sifeeyey hadal heyn ku saabsan in Somalia ay ka laabaneyso dacwada badda ee kala dhexeysay Kenya.
“Arrinka Badda Soomaaliya wuxuu ku jiraa gacanta Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ, waxaana la wada sugayaa go’aanka Maxkamadda. Soomaaliya Hanoolaato” ayuu hadalkiisa ku soo xiray wasiirka oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com