Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo si kulul u cambaareesay Qaraxyo lagu laayay arday badan

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u canmbaareesay qaraxyo arday badan lagu laayay oo ka dhacay banaanka iskuul weyn oo kuyaala magaalada Kaabul ee caasimada dalka Afgaanistan.

War saxaafadeed kasoo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay qaraxyadan lagu laayay ardayda badan ee ka dhacay Afgaanistan, waxa ayna dowlada garab istaag u muujisay dowlasa iyo shacabka Afgaaniustan.

“ Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynasaa qaraxyada argagixisada ee galaaftay ardayda aan waxba galabsan ee ka dhacay Caasimadda Kaabul ee Dalka Afgaanistaan. Waxa aannu garab taagannahay, murugadana la qaybsanaynaa shacabka iyo Dowladda Afgaanistaan ayaa lagu yiri” Qoralka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Qaraxyadan ka dhacay magaalada Kaabuul ee caasimada Afgaanistan ayaa lagu dilay dad ka badan 20-qod oo u badnaa arday halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen, waxa ayna qaraxyadan ka dhaceen banaanka iskuul kuyaala Kaabuul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Al Bashiir oo si adag uga hor yimid Baaqyo loo jeediyay

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur oo shaaciyey abaabul halis ah oo uu wado Farmaajo

Caydiid Ali

(Akhriso) Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyey Shirka caalamiga ah ee TICAD

Caydiid Ali
Taboola Ads ---