Allbanaadir.com
NEWS

Hooyo iyo Caruurteeda oo ku dhintay Darbi xalay kusoo dumay Duleedka Muqdisho

Qoys danyar ah oo kunoolaa kaam barakac oo kuyaala Jaamacada Shabelle ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa kusoo dumay darbi adag oo ay uga ganbanayeen biyaha roobka .

Inta la xaqiijiyay darbigan soo dumay waxaa ku dhintay hooyo iyo shan caruur ah ay dhashay iyo cunug yar oo kale, waxaana dhacdadan si weyn uga argagaxay dadkii kunoolaa goobta mashaqadaasi ka dhacday.

Darbigan soo dumay ayaa la sheegay in saameyn ku yeeshay roobka xalay ka da’ay magaalada Muqdisho, waxaana qoyskan mashaqadu ka dhacday doonayeen in biyaha roobka ka galaan darbiga kusoo dumay .

Jimcihii ayey aheyd markii magaalada Muqdisho ku geeriyoodeen ilaa 9 caruur ah ay ku jiraan shan isku qoys ah, waxaana caruurtaasi dilay daad ka dhashay biyaha roobka oo -ku gadoomay guri ay degnaauyeen oo kuyaala xaafada Buulo Xuubey

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne hore oo baaq deg deg ah kasoo saaray dagaalka ka socda Baladweyne

Cabdi Cade

Somalia iyo Cuba oo soo ceshaday xiriirkii diblomaasi ka dib dagaalkii 1977 (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Gantaalo laga tuuray dalka Siiriya oo ku dhacay Israa’iil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---