Allbanaadir.com
NEWS

Dawladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo iska kaashanaya dhowr Arimood (Daawo Sawirada)

Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Kulanka intii uu socday ayaa isla gartay in labada dal ay iska caawiyaan arrimaha ay ka mid yihiin Xoojinta ammaanka, Hagaajinta xariirka arrimaha dibadda, ka faa’iideysiga Kheyraadka iyo in Jabuuti ay Soomaaliya ka taageerto dhanka Isgaarsiinta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa labada dawladood, waxa uuna walaalaha Jabuuti ku bogaadiyay sida ay mar walba u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay tahay abaal ay u hayso dawladda Soomaaliya mar walba aan ka go’i doonin qalbiyada Shacbiga Soomaaliyeed.

Kulanka ay yeesheen labada Ra’iisul wasaare waxaa goob joog ahaa xubnaha wafdiga Ra’iisul wasaare Khayre oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale, iyada oo dhanka Jabuuti ay uga qeyb galeen Wasiirada Wafaafinta iyo Isgaarsiinta, Gaashaadhingga iyo arrimaha Dibadda.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdigiisa ayaa kulanka kadib booqday xarunta Fiber optica ee dalka Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar dhinaca cirka ah oo lagu qaaday goobo ay ku sugnaayeen kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade

Dil saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo warar kala duwan oo ka soo baxay

Caydiid Ali

Silvia Romano oo lagu guursaday Gudaha Soomaaliya iyo Qaraxii Talyaaniga lala eegtay oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---