Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweeyey talaabadii Midowga Afrika uu ku magacaabay Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama inuu noqdo ergayga sare ee Midowga Afrika u qaabilsan xalinta khilaafka doorasho ee ka jira Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay Midowga Musharaxiinta ayey ku balan-qaadeen iney si buuxda ula shaqeyn doonaan Ergeyga cusub.
“Midowga Afrika Waxaan uga mahadcelineynaa taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dadka Soomaaliyed, gaar ahaana dadaallada dhismaha nabada ee ka socda guud ahaan dalka. Waxaan ku rajo weynahay in ergayga cusub uu si dhakhso leh oo dhab ah ula macaamili doono dhammaan daneeyayaasha arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, waxaan ka rajo qabnaa inuu ka shaqeeyo dhaqan galinta heshiiskii 17-kii Sebtember oo aasaas u ah qaadashada doorashooyinka qaranka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxday midowga musharaxiinta.
Dhinaca kale, Musharaxiinta ayaa ku eedeeyey inuu u dhinac u janjeero Mr. Babatunde oo ah Taiwo La-taliyaha sare ee siyaasada kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxayna musharaxiintu qoraalkaan ku codsadeen in dib u eegis lagu sameeyo magacaabidiisa.
Hoos ka akhriso qoraalka Musharaxiinta oo English ku qoran
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com