Allbanaadir.com
NEWS

 John Dramani oo loo magacaabay Ergayga Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxa Midowga Africa Moussa Faki Mahamat , ayaa soo magacaabay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsanaan doono xal u helida xiisada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya gaar ahaan khilaafka doorashada.

John Dramani Mahama Madaxweynihii hore ee dalka Gana ayaa loo magacaabay in uu noqdo  Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Africa u qaabisan arrimaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in dhawaan yimaado Muqdisho si howshiisa u bilaabo.

Wakiilkan Midowga Afrika soo magacaabay ayaana ka shaqeyn doona sida Midowga Afrika sheegay xal ka gaarista khilaafka u dhaxeeya Hogaamiyaasha Soomaalida si looga shaqeeyo in ay dhacdo doorasho heshiis lagu wada yahay.

“Marka uu Madaxweyne Mahama gudanayo waajibaadkiisa, waxaa taageri doona AMISOM, si loo hubiyo in dedaaladda dhex-dhexaadinta iyo howlgalka taageerada nabadda ay si wadajir ah u wada shaqeeyaan” ayaa lagu yiri bayaanka magacaabista Madaxweyne John Mahama.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Hogaamiyaasha Soomaalida in tanaasul sameeyaan ayna si daacadnimo ula shaqeeyaan wakiilkan lasoo magacaabay si xal loogu helo is mari waaga ka dhashay doorashada Soomaaliuya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Axmed Madoobe oo ka hadlay gogosha uu Madaxweyne Xasan fidiyay

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo sheegtay in dalka la keenayo qeybtii labaad ee talaalka COVID-19

Caydiid Ali

Ruushka oo beeniyey Warar laga faafiyey xaaska Bashar Al-Assad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---