Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidanka Booliiska iyo Kuxigeenkiisa oo Caawa tagay Hoyga Xasan Sheekh (Sawirro)

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Janaraal Cabdi Xasan Xijaar, ku xigeenkiisa 1-aad iyo Afhayeenka booliska ayaa caawa hoygiisa booqasho ugu tagay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaana si diiran hoygiisa ugu soo dhaweeyay taliyaha ciidanka booliiska iyo kuxigeenkiisa, waxaana labada dhinac dhax maray kulan salaan iyo is xog wareysi u badnaa .

Sida aan wararka ku helnay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo kuxigeenkiisa ayaa ugu tagay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sidii ay uga soo xalin lahaayeen tabashooyin ku aadanaa weerarkii lagu qaaday dhawaan iyo arimo kale.

Booqashadan ayaa kusoo aadeysa xili laga heshiiyay dagaalkii dhawaan ka dhacay Muqdisho sidoo kale magaalada laga saaray ciidamadii mucaaradka taabacsanaa ee kahor yimid mudo kororsigii dowlada sameesatay balse markii dambe laga laabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruto oo magacaabay Wasiirro uu ku jiro Aadan Ducaale

Cabdi Cade

Ciidanka ATMIS oo wiil dhalinyaro ah ku dilay isgoyska Ceelgaab iyo caro ka dhalatay

Caydiid Ali

Al-shabaab oo dhaqdhaqaaq cusub ka bilaabay degaano ka tirsan gobolka Gedo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---