Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geerida ku timid Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
 
Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil uu muddo dheer u soo adeegayey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ku lahaa geeddi-socodkii dowlad dhiska Soomaaliya. Marxuumka oo xilal kala duwan soo qabtay ayaa noqday Ra’iisal Wasaare Ku-xigeen, Wasiir, Danjire iyo xilligan oo uu ahaa xildhibaan aad looga qadariyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
 
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil. Marxuumku muddo dheer ayuu u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed, waxa uuna door ku lahaa geeddi-socodkii dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo xilal muhiim ah ka soo qabtay Xukuumadihii kala danbeeyey ee dalka soo maray.”
 
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Somaliland oo laga saaray inta badan Laascaanood ka dib dagaalkii caawa

Caydiid Ali

Waayeel Islaam naceyb darteed si arxan darro ah ugu dilay Wiil lix jir ahaa

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar Qarax ku bilowday ku qaaday Saldhig ay joogaan Ciidamo Mareykan ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---