Xildhibaano katirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho kasii sagootiyay qaar kamid ah ciidamada Badbaado Qaran oo dib ugu laabanayay aagagii ay markii hore kasoo baxeen.
Ciidamadan maanta ka baxay magaalada Muqdisho oo u badnaa kuwa ka yimid deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa maanta laga sagootiyay caasimada oo maalmo badan joogeen iyaga oo kahor yimid mudo kororsigii dowlada.
Xildhibaanada sagootinayay ciidamada Badbaado qaran ayaa ahaa Xildhibaanada mucaaradka ee kasoo horjeeday mudo kororsigii dowlada sidoo kale aad ugu dhaw golaha midowga Musharaxiinta .
”Ciidamada Badbaado Qaran ayaan maanta duleedka magaalada Muqdisho ku sagootinay, kulana dardaaranay. Waxayna dib ugu laaban doonaan furimihii dagaalka ee dalka laga difaacayay” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah dadkii sagootiyay ciidankaasi.
Ciidamadan ayaa laga saaray magaalada Muqdisho kadib markii Xukuumada Soomaaliya iyo Musharaxiinta heshiis ka gaareen khilaafkii keenay in ciidamadan soo galaan magaalada dagaalna la galaan ciidanka ka amar qaata Dowlada uu hogaamiyo Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com