Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

War cusub oo ka soo kordhay gantaalka Shiinaha ee la filayo inuu ku soo dhaco dhulka

Gantaalkii Shiinaha ee faraha ka baxay ayaa la filayaa inuu todobaadkan ku soo dhaco dhulka, wuxuuna sababay cabsi wayn oo la soo deristay caalamka,

Hay’adda Cirbixiyennada Mareykanka ayaa isku deyeysa inay ka hortagto halista uu geysan karo, balse lama oga halka uu ku wajahan yahay.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, wuxuu sheegay inaysan jirin qorsheyaal ah in hawada sare lagu burburiyo gantaalka Shiinaha ee la filayo in Sabtida uu dunida ku soo dhaco.

Gantaalka oo qalab u siday Seddax Cirbixiyeen oo Shiinaha u dhashay kuwaasoo sugan hawada sare, wuxuu 29-kii April ka kacay Jasiiradda Hainan. Qalabka uu sido waxaa lagu dhammeystiri lahaa Saldhigga Shiinaha ee hawada sare.

Austin wuxuu sheegay inay filayaan in gantalka uu ku dhici doono badda, Sabtida ama Axadda. Balse Wargeyska Global Times, oo ku hadla afka dowladda Shiinaha, wuxuu sheegay in gantaalka la xakameyn waayay, wuxuuna beeniyay in uu dhibaato geysan karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Cabdi Max’uud Cumar & lix kale oo la soo taagay Maxkamad ku taalla Addis ababa

Caydiid Ali

Daawo Sawirro: Kulankii Helsinki ku dhexmaray Madaxweyne Trump & dhigiisa Putin

Caydiid Ali

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo lagu laayey Al Kowsar & Cadow Gurey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---