Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Amiirka Qatar oo ka hadlay kaalintii uu ku lahaa soo celinta xiriirka Somalia iyo Kenya

Amiirka dalka Qatar Shiikh Tamim Bin Hamad Al-thani ayaa qoraal uu soo saaray ugu hambalyeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya xiriirka diblomaasi ee ay soo ceshadeen.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Mudane Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Madaxweyne Kenyatta go’aanka xikmadda iyo geesinimada leh ee ay  ku soo celiyeen xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya” ayuu qoraalkiisa ku yiri Amiirka Qatar oo la sheegay inuu ka danbeeyay arrintan, labada dalna ay uga mahad celiyeen.

Amiir Tamiim ayaa qoraalkiisa uga hadlay kaalinta uu ka qaatay arrintan: “Waxaan si kal iyo laab ah ugu rajeynaynaa labada dal ee deriska ah iyo dadkooda nabadgelyo iyo xasilooni, sidoo kale waxaan u xaqiijinayaa in Dowladda Qatar ay waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaagga iyo nabad dhalinta”.

Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar u diray Soomaaliya ayaa sidoo kale tegay magaalada Nairobi, iyadoo markaas kadib lagu dhawaaqay inay Soomaaliya soo celisay xiriirkii diblomaasi ee labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

 Imaaradka iyo Sacuudiga oo ku lug yeeshay Faragalinta Doorashadii Mareykanka

Cabdi Cade

Deni oo Dib u Magacaabay golaha Maxkamada Sare oo ay saakay diideen Baarlamaanka Puntland

Cabdi Cade

Amar cusub oo laga soo saaray Mooto Bajaajka laga soo dejiyo dekeda Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---