Dowlada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay sababta keentay dib u soo soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Kenya.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa oo arrintan sharaxaad ka bixiyey ayaa sheegay in laba dowladood ay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadiida is ixtiraamka iyo madaxbannaanida dhuleed, faro galin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.
“Arrintan markii horeba ma ahayn dookh iska yimid, waa la ogyahay duruufihii keenay in Soomaaliya ay joojiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya la lahayd. dowladdu waxay arrintan ku baddalatay markii la xaqiijiyay in la joojiyay, la iskuna afgartay in la joojiyo dhammaan ficilladii iyo arrimihii keenay in dowladda Soomaaliya ay joojiso cilaaqaadka ay la lahayd Kenya.” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas sii raaciyay: “Mar haddii dhibaatooyinkii jiray ay meesha ka baxeen, sida ku qoran war murtiyeedkana la isku afgartay in la is ixtiraamo, daris wanaag lagu wada noolaado, danaha labada waddanna laga wada shaqeeyo, sidaas ayuu ku yimid go’aankan.”
Amiirka dalka Qadar, Shiikh Tamim Bin Hamad Al-Thani, ayaa dadaal ka geystay inay heshiiyaan Soomaaliya iyo Kenya sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com