Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kenya oo ka hadashay dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyaded ee Soomaaliya

Dowlada Kenya ayaa soo dhoweysay talaabada dowlada Somalia ku soo celisay xiriirkii labada dowladood o go’naa muddo dhowr bilood ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa ku tilmaantay tallaabadan mid horumar ah ayna diyaar u tahay inay sii waddo xiriirka caadiga ah ee mas’uuliyiinta Soomaalida oo ay ka mid yihiin arrimaha ganacsiga, isgaarsiinta, gaadiidka, xiriirka dadka iyo is-dhaafsiga dhaqanka.

Dowlada Kenya ayaa uga mahadcelisay dowlada Qatar dadaalka ay u gashay in xiriirka labada dal uu dib u soo laabto.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay qireysaa taageerada joogtada ah ee ay ka heshay beesha caalamka, gaar ahaanna dowladda Qadar, dadaallada lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri war ay soo saartay soo saartay maanta wasaarada Arrimaha Dibbada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Banaan baxayaal taageersanaa Mukhtaar Roobow oo awood lagu kala eryay (Sawirro)

Cabdi Cade

Waa kuma Xamsa Cabdi Barre? (Ra’isul Wasaaraha la Magacaabay ee Somalia)

Caydiid Ali

Cudurka Coronavirus oo Faraha ka sii baxaya & dhimashada oo sii kordheysa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---