Allbanaadir.com
NEWS

Biyo La Waayay Waysaa Lagu Raadshaa !!! (Ujeedada Musharaxiinta qaarkood )

In badan dadka Soomaaliyeed ayaa weedhaan aan qormada ugu magac daray ka isticmala meelo badan oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed, Weedhaan ayaa ujeedka macnaheedu yahay waxii aad si toos ah ku wayso ku raadi si kale oo ay dadku kugu taageeraan. “Badanaa waxaa loo isticmaalaa dadka ogsoon in aan la siineynin shay rabitaankiisu ku waynyahay basle dadka ugu beer jileecsado arin kale oo muhimad gaar ah leh kaasoo mudan la isku taageero”.

Tusaale “Waxaa dhici karta adoo raba biyo aad kaga meerato ama iskaga dhaqdo bus/siigo iyo dhidid kaa soo gaaray safar ama hool adag balse aad ka baqday in laguu diido biya aad ku meerato ayadoo loo arkayo inaad ku ciyaareeso ama aad u isticaamleeso wax aan muhiim aheyn maadaama biyaha ay gabaabsi noqon karaan, si aadan u wayn ayaa waxaad ku qancin kartaa dadkaas inaad waydiisato biyo aad ku waysa qaadato taaso si fudud kaaga aqbali karaan maadaama ay tahay arin muhiim ah oo mudan in la isku taageero isla markaasna aad biyahaas u isticmaasho dantaadii hore oo aheyd inaad ku meerato ama aad ku dhaqato wajiga, gacmaha, lugaha iyo meelaha kale ee kaa gaari karto wasaqda ama busta.

Qormadaan iyo magac bixintaan ayaa igu dhalisay kadib markaan arkay musharixiin iyo masuuliyiin badan oo raba inay helaan kursiga matalaada ee beeshooda ama deegaankooda ee Xildhibaanimo kuwaasoo qaarkood hore ugu raagay kursiga Xildhibaanada mudo badana ku fadhiyay balse dadka leh matalaadaas aan ku qanacsaneen sii joogistooda kuraasta rabana inay badalaan sanadkan ee doorashada cusubtahay maadaama hore loogu dhaliilay wax-qabad xumo iyo matalaad la’aan.

Si aysan musharixiinta ugu hungoobin ka raadinta ogolaansho matalaad ayaa siyaasada cusub ee Soomaaliya kusoo biirtay weedhaan aan ugu magac daray qormadaan ee ah Biyo la waayay waysaa lagu raadshaa. Waxaad arkeesaa musharax Xildhibaan ee leh waxaan ahay musharax Madax wayne ee sanadka cusub 2020-2021, waxay u sheegayaan dadka ay matalayaan in kursiga xildhibaanimo ee ku doonayaan si ay ugu fududaato ololahooda musharaxnimo madax wayne ee sanadkan 2020- 2021.

Kursi matalaad xildhibaanimo oo aad dadka aad mataleesid kuu ogoleen, ku raadi musharax madaxwaynimo si bulshada ee kugu taageeraan aragtida wayn ee musharax madax waynimo. Waa xeelada cusub ee ololaha doorashada ama raadinta kursiga mataalada xildhibaanimo.

Hadaba aqristow ma leedahay xildhibaan kugu matala baarlamaanka Soomaaliya?

Maku matalaayay mudo badan oo sanooyin ah?

Maku fashilmay inuu kugu matalo baarlamaanka Soomaaliya mudadaas?

Hada miyuu doonayaa mar kale in dib loo doorto?

Ma dhagsday boor mana shaaciyay inuu yahay musharaxa ugu mudan ee madaxwaynimo ee 2021?

Ma rabaa inuu kugu sii matalo baarlamaanka cusub waliba asagoo musharax madaxwaynimo ah?

Hala yaabin waxaa suura gal ah inuu dareensanyahay in aadan siin doonin kursigaas ee uu rabo markale inuu kugu siro Biyo la waayay waysaa lagu raadshaa…….

Aragtideeda ayaa ah musharixiintan badan in badankoodu aysan dhab ka aheyn isa sharaxidooda, kaliya waxay ku raadsanayaan fursado ah inay helaan kursi xildhibaan ama dowlada imaan doonta inay ka helaan mansab ee ku shaqeystaan sida wasiir, gudoomiye ama agaasime.

Inta ay dhab ay ka tahay ayaa ah kuwa aad u yar oo lagu garan karo habka ay u abaabulanyihiin, miisaankooda siyaasadeed iyo dhaqaalaha badan ay heestaan.

Qore: Dr. Mohamed Hussein ALasow

Email: m.alasow10@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso: 20 Qodob oo laga soo saaray shirkii Ururka Islaamka ee Muqdisho lagu soo xiray

Caydiid Ali

Kenya oo Ku Hor Kuftay Caddaalladda Caalamka iyo Soomaaliya oo guul gaartay !!

Cabdi Cade

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duleedka Magaalada Wajeer

Caydiid Ali