Illaa shan kiis oo ah fayraska dadka aadka u badan ay ugu dhammaanayaan hindiya ee COVID Variant ayaa lagu arkay dalka Kenya oo Soomaaliya deris la ah.
Wasaaradda caafimaadka Kenya waxay sheegtay in baaritaanka kiisaskan la sameeyay ka hor intii aan la mamnuucin diyaaradaha ka yimaada Hindiya.
Shanta kiis ee la helay waa dad ka shaqeynayay warshad bacriminta sameysa oo ku taalla galbeedka Kenya.
Dalka Hindiya waxaa hadda ka taagan xaalad aad u xun oo uu ku hayo nooca cusub ee cudurka Covid-19. Waxaana maalin kasta laba soo sheegaa boqollaal kun oo kiisas oo xanuunka ah.
Illaa iyo hadda, in ka badan 226-kun oo qof ayuu cudurkan ku dilay Hindiya. Wuxuuna ku dhacay in ka badan 20 milyan oo qof.
Iyadoo xaaladda ay sidaa u xuntahay, haddana hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka ee WHO, weli maysan caddeynin in cudurka Hindiya uu yahay Covid Variant.
Kenya waxay noqoneysaa dalkii labaad ee Afrika ee soo weriya in xanuunka Hindiya loogu dhammaaday uu soo gaaray. Waxaa horey u soo sheegtay Ugandha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com