Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Dagaaladii ka dhashay muddo kororsiga oo heshiis kama dambeys ah laga gaaray

Kulan Muqdisho ku dhexmaray Gudigii uu Ra’isul Wasaare Rooble u magacaabay xal ka gaarista dagaaladii ka dhacay Muqdisho iyo saraakiisha ciidamada badbaado Qaran ayaa lagu gaaray heshiis.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galay kulanka RW Rooble, Musharaxiinta, iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle.

Qodobada heshiiska galabta lagu gaaray magaalada Muqdisho ee lagu soo afmeerayay qalalaasihii ka dhashay mudo kororsigii Farmaajo ayaa kala ahaa sidatan:

  1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.
  2. In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.
  3. In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.
  4. In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.
  5. n Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida.
  6. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda.
  7. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.
  8. In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.
  9. In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.
  10. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.
  11. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.
  12. Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliisla Khaatumo oo gacanta ku dhigay nin xalay dil ka geestay magaalada Laascaanood

Cabdi Cade

Muxuu salka ku hayaa socdaalka Axmed Madoobe ku joogo dalka Imaaraadka Carabta?

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Shiinuhu jabsaday computer-ada boqolaal Shirkadood?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---