Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah jidadkii ugu burbursanaa Muqdisho oo laami cusub la saaray (Sawirro)

Wadada Jaalle Siyaad loo yaqaan ee dhexmarta degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la saaray laami cusub.

Maamulka gobolka Banaadir iyo ganacsatada iyo dadka degaanka ayaa iska kaashaday dib u dhiska wadadan oo aan wax dayactir ah helin 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Wadadan oo dherer ahaan gaareysa ku dhowaad 4km ayaa isku xirta labada isgoys ee kala ah Xoosh iyo Danwadaagaha oo labada cirif kaga yaalla degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley.

Hareeraha wadadan ayaa waxaa ku yaalla goobo fara badan oo ganacsi iyo suuqyo waaweyn, kuwaasoo filayo in dhaqdhaqaaqa ka jira uu sii xoogeysto marka la dhameystiro dib u dhiskeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/_zfaMqXqIDs

Related posts

Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Mahdi Guuleed oo Heshiis rasmi ah gaaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xassan & Amiirka Qatar?

Caydiid Ali

Dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada DF (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---