Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Maxay ka wada hadleen Shiikh Shariif & Guddoomiye Cumar Filish?

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magalaada Muqdisho Mundane Cumar Max’uud   Maxamed (Cumar filish) Madaxweynihii  Hore ee Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Mudane Shariif Shiikh Axmed ayaa caawa kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Labada masuul ayaa kawada hadlay arrimaha doorashooyinka amniga Caasimada iyo qaboojinta Xasaradaha ka soo Cusbooday  Arrimaha doorashooyinka Dalka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Shiikh Shariif ayaa ka mid ahaa xubnaha mucaaradka ee sida u weyn uga soo horjeeday Farmaajo, halka Cumar Filish lagu tiriyo ragga sidan weyn ugu dhow Madaxweynaha inkastoo labada masuul ay ka soo wada jeedaan hal beel.

Arrintan ayaa ku soo aaday xili ay socdaan dedaalo Magaalada Muqdisho looga saarayo ciidamadii diidanaa muddo kororsiga oo dhufeyso ka qotay xaafadaha qaarkood kaasoo ay wadaan xubno ka tirsan DF iyo mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/_zfaMqXqIDs

Related posts

Madaafiic caawa lagu weeraray Ciidamada Maraykanka ee jooga magaalada Baqdaad

Caydiid Ali

Warar sheegaya in Macalin Maxamuud ka baxay Dhuusomareeb iyo xog ku aadan halka uu aaday

Cabdi Cade

Saldhigyo ciidamada Mareykanku ku leeyihiin bariga dalka Siiriya oo la duqeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---