Faahfaahino ayaa ka soo baxaya qarax galabta casar gaabadkii lagula eegtay magaalada Muqdisho gaari uu la socday masuul ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka banaadir.
Qaraxa ayaa lala beegsaday Cali Cabdi Geedi Farayare oo ahaa guddoomiyihii waaxda 1-da Maajo ee degmada Yaaqshiid, kaasoo ku dhintay qaraxaas, sidoo kalena waxaa la dhintay askari ilaalo u ahaa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa ka hor ay kooxo hubeysan rasaas ku fureen gaariga uu la socday masuulkan oo noociisu ahaa NOAH.
Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Warshaddii hore ee barafuunka, degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Gaariga ayaa gabi ahaan gubtay, waxaana gaariga iminka damiyay gurmad ka yimid maamulka Degmada iyo ciidamada amaanka, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi oo la xariira qaraxaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com