Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble oo Wasiir cusub u Magacaabay Wasaarada shaqada & arrimaha bulshada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka Wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Rooble ayaa dhowaan soo saaray wareegto xilalka loogu kala bedelay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed C/llaahi Oomaar iyo Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Duraan Axmed Faarax.

Wasiir Oomaar oo dhowaan dhow qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa shaaciyey inuu ka cudurdaaranayo qabashada xilka Wasiirka shaqada iyo Shaqaalaha ee loo magacaabay taasoo sababtay in Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif loo magacaabo xilkan.

Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ka soo jeeda degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa horey u soo noqday Raisul Wasaare ku-xigeen iyo Wasiirka ganacsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir ka tirsan Jubbaland oo shaqada laga joojiyey & dembi culus oo loo heysto

Caydiid Ali

Madasha Xisbiyada oo eedeeyey Mid ka mid ah dowladaha deriska la ‘ah Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Jadwalka doorashada xubnaha ka dhiman Aqalka sare ee Jubbaland oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---