Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Tawerka loo dhisay Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud oo xariga laga jaray (Sawirro)

Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa mudooyinkii dambe lagu sameenayay horumarin, waxaana dhawaan loo dhisay Tawer-ka garoomada diyaaradaha lagu aqoonsado.

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaana maanta si rasmi ah Xaraga ka jarey Tawerka Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Lafta Gareen ayaa munaasabada xarig karka ka sheegay in dhismaha Tawerkan uu mudo soo socday , waxa uuna u mahad celiyay Madaxweynaha cid kastoo gacan ka geesatay dhismaha Tawerkan ee loo dhisay garoonka.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo ayaa si joogta waxaa uga dega diyaarado ka baxa magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale , waxaana shaqada garoonkaasi hada ka duwan yahay sidii uu sanado kahor ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo hanjabaad culus u dirtay Somaliland ka dib dagaalkii saaka (Akhriso)

Caydiid Ali

Wasiirro xilalka ka qaadaya Agaasimayaal Guud iyo Dagaal Siyaasadeed bilowday

Cabdi Cade

Bayaan laga soo saaray Shirkii Sadex geesoodka ee Somalia, Itoobiya iyo Eritrea (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---