Allbanaadir.com
NEWS

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Askari katirsan  ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa saakay agagaarka Isgooska Carwa-idko ee magaalada Muqdisho waxa uu ku dilay nin shacab ah oo aad looga yaqaanay degmada Wardhiigley.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askariga katirsan ciidanka dowlada rasaas ku furay ninkan shacabka ah oo watay gaari sidaasna ku dilay, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday askariga gacan ku dhiig laha ahaa.

Ninka la dilay oo lagu magacaabayay Cismaan Nuur Geedi ayaa kamid ahaa darawalada tagaasida ee magaalada Muqdisho, waxaana meydka ninkan la dilay goobta ka qaaday ciidamo katirsan dowlada iyo ehelada marxuumka oo geeyay xarunta CID-da.

Saraakiisha ciidamada booliiska ayaa sheegay in baadi goob loogu jiro askariga dilka u geestay ninkan shacabka ah , iyagoona balan qaaday marka lasoo qabto in cadaalada la horgetn doono.

Ciidamada dowlada ayaa mararka qaar magaalada Muqdisho dilal bareer ah ugu geesta dad shaca  ah oon waxbo galabsan, waxaana xabsiyada dowlada ku jira askar badan oo loo xukumay dilal ay dad shacab ah u geesteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Kenya oo dambiyo dagaal oo joogto ah ka geesanaya Gudaha Soomaaliya

Cabdi Cade

Musharaxiin Shuruudo ku xiray ka qeyb galka Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Cabdi Cade

Midowga Yurub oo Israel ku eedeeyey iney gaajo u adeegsatay hub dagaal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---