Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble & xubno ka tirsan Musharaxiinta oo saddex qodob ka wada hadlay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xubno ka tirsan midowga Musharaxiinta

Xubnaha uu la kulmay Rooble ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Sheikh Sharif Shiikh Axmed, Musharax Mustaf Dhuxulow iyo xubno kale.

Masuuliyiintan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, xasilloonida caaasimadda iyo arrimaha dooraahooyinka sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska RW Rooble.

Shariif ayaa soo dhaweynayaa go’aanka golaha shacabka ay gaareen oo dalka dib ugu celiyey heshiiskii doorasho ee 17 September isagoo ku tilmaamay tallaabo dhanka wanaagsan loo qaadey, oo mudan in lagu bogaadiyo

Kulankan ayaa ku soo aaday xili RW Rooble uu shir isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir kaasoo la qaban doono 20ka bishan May.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa C/raxmaan C/shakuur looga joojiyey inuu ka khudbeeyo Xaflada caleemo saarka?

Caydiid Ali

Mukhtaar Roobow oo ka hadlay isbedel Sacuudigu ku sameeyey arrimaha Xajka

Caydiid Ali

Nin baxsad ahaa oo lagu qabtay magaalada Dhuuso Mareeb (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---