Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wafdigii ka socday dowlada Qatar oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday dowladda Qatar oo uu hogaaminaayay Ergeyga gaarka ah ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Guddoomiyaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka si gaar ah go’aankii ay shalay Golaha Shacabka ku ansixiyeen codsiga madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-September 2020.

“Waxa Maanta Xafiiskeyga ku qaabilay wefdi ka socday dowlada Qatar, wefdigan aya hogaaminayey ergayga gaarka ah ee dowlada Qatar Dr. Mutlaq A-Qahtani,  Waxana kawada hadalnay xaalada guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood, arrimaha doorashooyinka si gaar ah go’aankii ay shalay Golaha Shacabka ku ansixiyeen codsiga madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-September 2020” ayuu yiri Gudoomiye Mursal.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Ergeyga dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani kaga mahad celiyay booqasho sharafeedka uu ugu yimid.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdiga ka socday Dowladda Qatar.

Waxay kawada hadleen xaaladda guud ee Dalku marayo, xallinta khilaafyada ku hor gudban arrimaha Doorashooyinka, iyo kaalinta dhexdhexaadnimo ee ay Dowladda Qadar ay ka qaadan karto sidii la isugu soo dhoweyn lahaa Dhinacda isku khilaafsan hannaanka doorashooyinka, si dalka ay uga dhacdo doorasho xor ah, xalaal ah oo la isla oggolyahay.

Wafdiga ka socda Qatar ayaa horey ula soo kulmay raisul Wasaaraha Somalia Rooble iyo madax kale oo ka tirsan DF, iyagoo caawana afur kula balansan musharaxiinta iyo madaxda mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaari dagaal ay leeyihiin AMISOM oo la gubay kadib weerar kedis ah oo lagu qaaday

Cabdi Cade

DFS oo ka mahadcelisay ansixinta mashruuc ay ku baxeyso 100 Milyan oo dollar

Cabdi Cade

Ciidanka ECOWAS ee ku duulaya dalka Niger oo heegan la geliyey & Mareykanka oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---