Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) RW Rooble oo qaabilay Dr. Multaq Alqahtani iyo wafdigii uu horkacayey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee  Wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Mudane Multaq  Alqahtani.

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada iyo Arrimaha  doorashooyinka dalka sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay xafiska RW Somalia.

Wafdigan ayey sidoo kale wararku sheegayaan iney la kulmeen Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo ah taliyaha NISA.

Multaq  Al-Qahtani iyo wafdiga uu horkacayo ayaa la la filayaa iney caawa Hotelka Decale kula kulmaan Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Netanyahu oo dib isaga riixay cadaadis xooggan oo la saaray

Cabdi Cade

Xildhibaan Shaaciyay sida Madaxweyne Farmaajo u fashiliyay Shirkii Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Kheyre oo Dhaqaatiir kala hadlay Qorshayaal ku aadan COVID-19 (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---