War Saxaafadeed kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa lagu soo dhaweeyay go’aankii Xildhibaanada golaha shacabka uga laabteen mudo kororsiga sababay in dagaalo dhiig ku daataan ka dhaco magaalada Muqdisho.
Golaha Midowga musharaxiinta ayaa sidoo kale soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ugu wareejiyay maamulka doorashooyinka qaranka iyo Amniga Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Musharaxiinta ayaa usoo jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble in dib loo mideeyo ciidamada qalabka sida oo labo dhinac u qeybsamay , waxa ayna Xukuumada kula taliyeen in la helo hogaan cusub oo mideyn kara ciidamada.
Midowga musharaxiinta ayaana uga digay dowlada federaalka in falal aargoosi ah lagula kaco ciidamadii kasoo hor jeestay mudo kororsiga lana saftay musharaxiinta lagulana kaco in laga jarto xaquuqdooda am aficilo kale lagula dhaqaaqo.
Waxa ay sidoo kale musharaxiinta balan qaadeen in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Maxmeed Xuseen Rooblev in ay kala shaqeenayaan qabsoomida doorasho u dhacda si xor iyo xalaal ah.
Halkan ka Akhriso Qoraalka Musharaxiinta kasoo baxay
https://youtu.be/_tO73Zt3P6o