Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo hoygiisa kala baxay Nabadoon caan ka ah Sh/dhexe, ka dibna dilay

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay xalay weerar ku qaadeen Guri ku yaal degmada Raaga-ceelle ee gobalka Shabeellaha dhexe halkaasoo ay kala baxeen nabadoon ka tirsan dadka degaanka

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay dileen nabadoonka ay la baxeen oo lagu magacaabi jiray Axmed Jilcane, iyagoo ku eedeeyey inuu sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa Baraha Internetka ee taageera ku baahisay iney gubeen laba gaari oo uu lahaa Nabadoon Axmed Jilcane kuwaasoo noocoodu ahaa  Noah.

Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabelle ee degmada Raaga-ceelle iyo Saraakiisha Ciidamada kama hadlin weerarkaas.

Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa mudooyinkan ku soo badanayey weeraro ay geysteen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/_tO73Zt3P6o

Related posts

Xildhibaano shaaciyay in xilka ka qaadeen Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoorqoor oo warbixin xasaasi ah laga siiyey amniga Galmudug

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo Guddi Xildhibaano ah u Magacaabay dagaalkii Baraawe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---