Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay go’aankii ay Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya shalay ku joojiyeen muddo kororsiga.
“Xoghayaha Guud wuxuu soo dhaweynayaa go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka uu ku ansixiyay ku laabashada Heshiiskii Doorashooyinka ee 17-kii Sebtember.” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Afhayeenka Xoghayaha Guud ayaa sheegay inuu Antonio Guterres ugu baaqay dhamaan Saamilayda Siyaasadda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsaha badan u bilaabaan wada xaajoodyada iyo isla markaana ay heshiis is afgarad ah ka gaaraan qabsoomida doorashooyin loo dhan yahay.
Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay is afgarad sal ballaaran oo loo gaaro xasilloonida dalka, wuxuuma dhinacyada Soomaalida ee DF iyo mucaaradka ugu baaqay iney ka shaqeeyaan amniga iyo horumarka dalkooda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/_tO73Zt3P6o