Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhacdo Naxdin leh: Wiil Soomaali ah oo labo walaalihiis ah ku dilay Maraykanka (Sawirro)

Wiil Soomaali ah ayaa la sheegay inuu xalay ku dilay labo wiil oo walaalihiis ka yar ahaa magaalada Kansas City gobolka Missouri ee dalka Maraykanka.

Hanad C/casiis oo 20 jir ahaa ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay si bareer ah walaalihiis ka yar-yar oo xaafidul Quraan ahaa kuwaasoo la kala oran jiray C/waaxid oo 16 jir ahaa iyo C/raxmaan oo 14 jir ahaa.

C/waaxid C/casiis oo 16 jir ahaa

Wiilasha walaalaha ah ayaa lagu dilay agagaarka gurigooda, xili ay ka soo laabteen masjidka Al-Taqwa ee Magaalada Kansas City oo ay Jameecada salaada taraawiixda ka tujin jireen sida uu sheegay Imaamka masjidkaas Shiikh Mustafa.

Booliska Maraykanka oo daqiiqado ka dib goobta soo gaaray ayaa muddo saacado ah eryanayey wiilka dilka geystay oo baxsad ahaa, waxaana dhexmartay israsaaseyn ugu dambeyn sababtay dhimashada Hanad iyo dhaawaca askari boolis ah sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka.

C/raxmaan C/casiis oo 14 ahaa

Weli si fiican uma cadda sababta Wiilkan uu u dilay Walaalihiis, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu ahaa nin daroogada isticmaala oo marar badan aflagaadeeyey diinta Islaamka.

Aabaha wiilashan Dhaley ayaa la sheegay inuu sanado ka hor ku dhintey gudaha Somalia, kadib markii uu ka baxsadey Mareykanka xili loo heystay dilka Hooyada Ilmaha dhashay sanadki 2009, taasoo maydkeeda laga helay Gurigooda, waxaana gacanta ku heysay wiilashan eedadood oo haatan iyana weysay sadexdoodiiba.

Dhacdadan ayaa waxay naxdin iyo uurkutaalo ku noqotay Soomaalida ku nool Maraykanka oo si weyn uga xumaaday musiibada lama filaanka ah ee saacado yar gudahood galaafatay nolosha sadexdan wiil ee walaalaha ah.

DILAAGA: Hanad C/casiis oo 20 jir ahaa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/_tO73Zt3P6o

Related posts

Maxamed C/Ladiif oo diiday in uu la ciyaaro Tartanka Olombikada Ciyaartoy Israa’iili ah

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxaa looga hadlayaa shirka u furmay Dowlada Somalia, Bankiga Adduunka & IMF?

Caydiid Ali

Shiikh Shariif: “Beri waa maalin taariikhi ah, waxaana dhici doona dibedbax weyn” (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---