Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka: “Dhinacyada Soomaalida waa iney deg deg ugu laabtaan Wadahadalka”

Mareykanka ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo tallaabadii ay shalay qaadeen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, taasoo si rasmi ah dib loogu noqday heshiiskii doorashada ee 17-kii September 2020.

“Waxaan boogaadineynaa ku dhawaaqistii Madaxweynaha ee aheyd in Ra’isul Wasaare Rooble uu hoggaamin doono dadaallada dowladda Federalka ee ku aaddan dhameystirka heshiiska iyo kor kala socoshada hirgalinta howlaha doorashooyinka oo ay ku jirto diyaarinta amniga” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price.

“Waxaan ugu yeereynaa dhinacyada uu ka dhexeeyo heshiiskan inay si degdeg ah u kulmaan, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin wadahadalka, si loo dhameystiro qaban-qaabada doorashada, loona billaabo dhaqangalinta wadashaqeyn daahfuran. Mareykanku wuxuu diyaar u yahay sida ugu dhaqsaha badan inuu gacan ka geysto qabashada doorashooyinka” ayaa lagu soo gabagabeeyay Bayaanka dowladda Mareykanka.

Golaha Shacabka shalay oo sabti aheyd kal laabtay go’aankii 12-kii April ay muddo laba sano ah ugu kordhiyeen hay’adaha dowladda Federaalka, kaas oo ay ugu yeereen jiheynta doorashada dalka Muddo kordhintan ayaa dhalisay muran siyaasadeed iyo cabsi dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Al-Shabaab oo xukun toogasho ah ku fulisey labo dhalinyaro oo ay ku eedeeysay..

Caydiid Ali

Dal ay curyaamiyen dagaalo oo wadamo ay Soomaaliya ku jirto ugu deeqay..

Caydiid Ali

Sheekh Caan ahaa oo lagu dilay degmada Baled Xaawo iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---